Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun ku riday xubin ka tirsan argagixisada

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun 15-sano xabsi ah ku riday Maxamed Cusmaan Dhagaxow Haaruun oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Ninka oo argagixisada u qaabilsanaa agabka gawaarida iyo Qaraxyada ayaa la qabtay xilli uu doonayay inuu Muqdisho soo geliyo mooto Bajaaj ay ka buuxaan walxaha qarxa oo uu ka soo qaaday tabeelaha Sheikh ibraahim, oo markii dambe Bajaajta la qarxday.

Dambiilahan oo maxkamadeyntiisa soo bilaabatay horaanta bishan Juun ayaa in muddo ah waxaa ku socday baaritaan oo ay ku hayeen nabad sugidda.

Maxamed Cusmaan Dhagaxow Haaruun, Al-Shabaab kaga soo biiray magaalada Baladweyne sanadkii 2019.