Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada XFS oo kormeeray tababar u socda shaqaalaha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cali Gacal ayaa maanta kormeeray tababar u socda qayb ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda.

Tababarka oo la xariira kor u qaadista aqoonta shaqaalaha wasaaradda ayaa waxaa fulinaya Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Gaadiidka, waxaana uu kusoo beegmay xili baahi weyn loo qabay.

Agaasimaha Guud ee Waaaaradda Gaadiidka Md. Cali Gacal aya kula dardaarmay Shaqaalaha inay ka faa’iiidaystaan Aqoon iswaydaarsiga,

Wuxuu sheegay Agaasimuhu in aqoonta ay korarsadaan Shaqalaha ay uga Faa’iideeyaan Shaqalaaha kale ayna si huffan ugu adeegaan Shacabka Soomaaliyeed ee adeegyada usoo doonanaya Wasaaradda Gaadiidka.