Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji oo markii ugu horeysay ku-sime madaxweyne ka noqotay Soomaaliya

Markii ugu horeysay taariikhda dalka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa noqotay haweeneydii  ugu horreysay ee ku sime madaxweyne noqota ka dib markii, madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud uu maanta u amba-baxay isu-tagga Imaaraadka Carabta, sidoo kalena, guddoomiyaha golaha shacabkana uu dalka ka maqan yahay.

Xildhibaanada golaha shacabka Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa Aprill, 28, 2022, guddoomiye ku-xigeenka koobaad u doortay xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Safarka Madaxweynaha oo labo maalmood qaadan doona ayaa ku qotoma xoojinta xiriirka  diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada waddan.