Dalka Faransiiska, doorashada Wareega labaad ee Xubnaha Baarlamaanka ayaa saaka ka billaabatay guud ahaan dalkaasi.
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron oo bishii April dib loo doortay ayaa isaga iyo xisbigiisa waxa ay wajahayaan loolan adag uga imaanaya dhinaca Xisbiyadda Mucaaradka ee Garabka bidix.
Codbixinta ayaa bilaabatay 8 subaxnimo ee waqtiga Faransiiska, waxaana ay soo gaba gaboobi doontaa 8 fiidnimo caawa.
Doorashadii wareega kowaad oo qabsoontay Axadii toddobaadkii hore ayaa waxaa labada dhinac ee Mucaaradka iyo Muxaafadka ayeysan jirin xisbi ku guulleystay tirada Aqlabiyadda Baarlamaanka oo ah 289.
Xisbiga Madaxweyne Macron ayaa haddii looga guulleysto Doorashadan, waxaa uu hoggaamin doonaa Dowlad aan awood buuxda u laheyn,meel marinta ajendayaasha horyaalla.