Maalintii labaad iyo Imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare oo si habsami leh u socda

Waxaa maalintii labaad si habsami leh u socda imtixaanka mideysan ee dugsiga sare, kaas oo ardayda kaga qeyb galayaan goobo kala duwan oo ku yaalla magaalada Muqdisho iyo gobalada dalka, waxaana aad loo adkeeyay ammaanka goobaha imtixaanka ka socdo.

Imtixaanka Fasalka 12-aad oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa ah midkiisii 8-aad oo xiriir ah laga soo bilaabo sanad dugsiyeedkii 2014/2015, waxaa sanadkan u fariistay imtixaanka 35,000 oo arday oo ku kala sugan Gobalda Dalka iyo Caasimada Muqdisho.

Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo shalay daahfuray imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare ayaa si gaar ah ula dardaarmay ardayda Imtixaanka shahaadiga u fariisanaysa guud ahaanba dalka, waxaa uuna xasuusiyey inuu mustaqbalkoodu gacantooda ku jiro, loogana baahan yahay inay maanta sii diyaarsadaan sida uu mustaqbalkoodu u ekaan doono iyo kaalinta ay nolosha ka geli doonaan.

Ugu dambeyntii, Madaxda wasaaradda waxbarashada ayaa ardayga ka qeyb galeysa imtixaanka u rajeeyay Guul iyo natiijo wanaagsan.