Danjiraha Soomaaliya Midowga Yurub oo ka qeyb galay Xafladda abaal-marinta ee The King Baudouin African Development

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya waddamada Benelux & Midowga Yurub Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi [Ooga-cadde] ayaa ka warbixiyay xaflad ka dhacday Aqalka Boqortooyadda “Palais Royal de Bruxxelles” laguna guddoonsiiyay abaalmarin caalami ah Almaas Elman oo ka mid ah howl-wadeenada Xarunta Nabadda & Xuquuqda Aadanaha Elman.

“Xafladdaasi waxaa lagu soo bandhigayay Abaalmarinta [The King Baudouin African Development] oo la siiyo hay’adaha ama shaqsiyaadka loo aqoonsado in ay kaalin weyn ka qaateen horumarinta bulshadooda,waxaanna abaalmarinta 2020-2021 la guddoonsiiyay Hay’adda Soomaaliyeed ee loo yaqaan Xarunta Nabadda & Xuquuqda Aadanaha Elman [Elman Peace and Human Rights Center] kaddib markii hay’addaasi loo aqoonsaday mid door firfircoon kaga jirta horumarinta arrimaha dhalinyarada, saameyn weynna ku yeelatay arrimaha bulshada,sida caddaalada, xoojinta & horumarinta xirfadaha hogaamineed ee haweenka & dhalinyarada Soomaaliyeed”.
Ayuu yiri Danjire Yoonis, wuxuuna intaasi raaciyay in abaalmarintaasi ay wax weyn kaga dhigan tahay hay’adda Elman.