Xubin ka tirsan argagixisada Alshabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxa Argagixisada u qaabilsanaa cunta karinta Gobolka Baay Cali Madkeer Mad-muumin oo nabad-diidka Gobolka Baay ay uyaqaanaan Dheere Cali Qumunu ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga ee ku sugan deegaanka Makuudo oo duleedka Baydhabo ah.

Taliska Qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka oo Cali soo bandhigay ayaa si wanaagsan usoo dhaweeyay markii uu isku soo dhiibay gacanta dowladda.