Imtixaanka shahaadiga oo si habsami leh uga socda dalka

Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare ee dowladda ay qaadeyso ayaa maanta si rasmi ah uga bilowday dalka gaar ahaan, waxaana u fariistay arday tiradooda gaareys 35,000 (Soddon iyo Shan kun) oo arday.

Agaasimaha Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada XFS, ayaa sheegay in afar Dowlad goboleed, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Jubbaland iyo gobolka Banaadir lagu galayo imtixaanka.

2,254 Arday kana mid ah ardayda imtixaanka shahaadiga dugsiga sare, waxna ka barta Dugsiyada Hirshabelle  ayaa maanta ufariisray imtixaanka Kama dambeyska ee dugsiga sare, kaasoo ay qaadeyso wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

16-arday ayaa sanadkan dugsiyeedka 2021-2022 gobolka Bakool uga qeyb gashay imtixaanka shahaadiga ee fasalka 12-aad kumanaankun arday ee maanta u fariisatay guud ahaan dalka.

Waxaana Sababaha keeney in tirada ardada imtixaanka fasalka 12-aad gobolka Bakool  ay aad ugu yartahay marka loo fiiriyo gobolada kale ee dalka ayaa lagu sheegay in ay tahay go’doonka gobolka oo waxyaabo badan oo waxbarashada ka kaabaya ardayda aan heli karin iyo abaarta gobolka ka jirta.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare oo si rasmi ah uga bilaabmay gobollada dalka.