Waxaa saaka dalka ka bilaabanaya Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare, kaas oo ay qaaddo wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda Federaalka.
Xafiiska Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare JFS, ayaa horay u shaaciyay in 18-ka bishan oo maanta ku beegan ardayda Soomaaliyeed u fariiisanayaan Imtixaanka sanad dugsiyeedkaan 2021/22 jadwalka imtixaanka fasalka 12aad.
Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya waxay guul urajeynaysaa ardayda Soomaaliyeed ee maanta Imtixaanka galaya.