Guddoomiye Cabdi Xaashi oo u hambalyeeyay Ra’iisul wasaaraha cusub

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa booqasho ugu tagay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS, kaas oo ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay una rajeeyay in Eebbe ku guuleeyo.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Ra’iisulwasaaraha cusub Alle ugu baryay inuu ku asturo xilka culus ee uu qaaday.