Guddoomiyaha Aqalka sare oo maanta furay kulan aqoon is-weydaarsi ah

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Senator, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeennada Golaha ayaa furay kulan Aqoon is-weydaarsi iyo daraasayn ah.

Kulanka aqoon kororsiga ah ee maanta loo qabtay Sanatarrada Aqalka Sare ayaa waxa uu ku saabsanaa Xeerhoosaadka Golaha Aqalka Sare.

Kulankan ayaa waxaa fuliyay hay’adda MaxPlanck Foundation (MPFPR).