Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daahfuray qaadista Imtixaanaadka Shahaadiga ee Fasalka 8-aad

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa si rasmi ah u daahfuray qaadista Imtixaanaadka shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Dugsiyada gobolka Banaadir oo ay maanta u fadhiisteen in ka badan 27-kun oo Arday.

Gudoomiye Cumar Filish ayaa warqadaha imtixaanka mid mid ugu qeybiyay Ardaydii soo xaadirtay xarunta Jaamacada Ummada oo kamid ah goobaha lagu qaadayo imtixaanadka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee dugsiyada gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu dambeyn guul u wada rajeeyay dhamaan ardayda maanta Imtixaanaadka u fadhiistay.