Ergayga gaarka ah ee madaxweynaa JFS ee arrimaha gurmadka abaaraha oo ka qeyb galay shirka golaha wadatashiga Qaranka

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qayb galay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha JFS Md. Xasan Sheekh Maxamuud.

Ergeyga ayaa Golaha hordhigay warbixinta la xariirta baaxada iyo samaaynta abaaraha iyo sidii loogu gargaari lahaa dadka tabaalaysan.

Waxaa kale oo uu Ergeygu hordhigay Golaha sida gurmad degdeg ah loogu fidin karo dadka tabaalaysan iyo sida qaylo dhaan caalami ah dunida iyo shacabka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa iyo sida hawlaha gurmadka loo fududayn lahaa, islamarkaana loo suulin lahaa caqabadaha hortaagan gargaarka.