Hanti dhawraha Guud ee Qaranka oo kulan la qaatay mas’uuliyiinta Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed

Hanti dhawraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali ayaa maanta kulan la yeeshay masuuliyiinta Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed (SICPA).

Hantidhawraha Guud ayaa kala hadlay xubnahan qodobbo ay ku jiraan dhammaystirka hannaanka sharci iyo aqoonsi ee Hay’adda, iyo sidii ay xubin uga noqon lahayd Hindisaha Mihnadlayda Xisaabiyeyaasha Afrika (API) iyaga oo gacan ka helaya Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka.