Madaxweyne Xasan Sheeikh oo guddoomiyeyay shirka golaha wadatashiga Qaran

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu guddoominayo madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayna ka qayb galayaan Ra’iisul wasaaraha dalka, madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada iyo guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa goordhow ka furmay xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Shirka ayaa diirada lagu saari doonaa xaaladda guud ee dalka iyo isla meel dhigidda howlaha hortebinta leh ee u yaalo golaha wadatashiga Qaran.