Guddoomiyaha Gobolka mudug Axmed Xuseen shire (Bukhaari) iyo xubno kale oo la socday ayaa ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaalada Wasil iyo Saldhigga Ciidamada Daraawiishta ee fadhigoodu yahay Koonfurta Gobolka mudug .
Booqashada Guddoomiyaha ,ayaa la xiriirtay u kuurgalida Xaaladaha Amni iyo tan Bulsho ee magaaladaasi,waxaana ha;lkaasi ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha wisil Cali Xasan iyo Xoghayaha magaaladaasi Yoonis Abshir Daleel.
Axmed Xuseen shire (Bukhaari) Guddoomiyaha Gobolka mudug ayaa sheegay in socdaalkiisa uu ku saabsanaa la socodka xaaladda nololeed iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka jira.