Maamulka Galmudug oo Dhagax dhigay Mashruuca Beerta tijaabada Iyo Tababarka beeraleyda

Wasiirka wasaradda beeraha dhirta iyo daaqa ee Galmudug Axmed nuur cisman xaaji,xil dhibaan Cabdullahi cumar geseey, xildhibaan Cabdi Takiye,Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug Cisman Macalin, Gudoomiyaha Degmada Cadaado Cabdulahi cabdirahman ”Tootoole” Iyo Agaasimaha Mashruuca Biyoole ee Galmudug,ayaa ka qeybgalay xaflad lagu maamuusaayey dhagaxdhigga dhismaha beerta tijaabada Iyo tababarka beraleyda,taas oo laga hirgaliyay magaalada Cadaado.

Xafladdaan oo sidoo kale ay ka qeybgaleen qaar ka mid ah ururada bulshada,waxaa ka hadlay,Gudoomiyaha Dagmada Cadaado Cabdulahi cabdirahman ”Tootoole” kaas oo ugu horeeyn ka warbixiyay dhulka uu ku wareejiyay Wasaarrada Beeraha Galmudug.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay,Xildhimaan Cabdi Takiye oo katirsan Barlamaanka Galmudug ,isagoo dhankiisa soo dhaweeyay dhagax dhiga Beerta Tijaabada Iyo Tababarka beeraleyda Galmudug.

Ugu dambeyn Wasiirka wasarada beeraha dhirta iyo daaqa galmudug Axmed nuur cisman xaaji ayaa ka warbixiyay qorshaha loo dhisayo Beerta iyo muhiimadda ay u leedahay beeraleyda iyo guud ahaan gobolka.

Dhulka loogu talagalay beerta tijaabada oo  cabir ahaan gaaraya 2-km ayaa waxaa bixiyay maamulka Degmada Cadaado waxaana loogu talagalay In laga dhiso Beerta tijaabada Iyo Tababarka beraleyda Galmudug .