Ra’iisul wasaare Rooble oo faray Taliska Booliska inay diyaariyaan Gaadiid lagu qaado Dadka aan awoodin inay lugeeyaan inta Jidadku xiran yihiin

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shacabka Muqdisho ka codsaday inay u dulqaataan xirnaanshaha jidadka caasimadda inta ay socoto munaasabadda caleemasaarka madaxweynaha maadaama ay dalka imaanayaan madax iyo wufuud heer sare ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Taliska Booliska in ay diyaariyaan gaadiid goobaha caafimaadka lagu geeyo dadka ay la soo darsaan xaaladaha caafimaad inta ay jidadku xiran yihiin.