Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo soo bandhigay Xubin ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab

Taliska Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ku soo Bandhigey Xubnin ka tirsanaa argagixisada Al-Shabaab oo lagu magacaabo Mustaf isxaaq Ali (Boorow ), kaas oo isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Mustaf Boorow ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa Jabhada, wuxuuna ku jirey Mudo 2-Sano ah isagoona dagaalo Dhowr oo ka dhacay Gobalada Baay iyo Galgaduud ka qeyb qaatey.

Wuxuuna Sheegey in Sababta ku kaliftey in uu Alshabab isaga soo baxay ay tahay Dhibaatooyinka Noolasha iyo mida ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Mustaf Boorow ayaa saaxibadiisa kale ku jira Nabad diika AL-shabaab ugu baaqay in ay isaga soo baxaan oo ay isku soodhiban ciidamada dowladda oo is wanaagsan u soodhaweeyay.