Wafuud ka qeyb-geli doonto Caleema saarka Madaxweynaha JFS oo Muqdisho soo gaaraya

Wufuud ka socota dalalka Afrika iyo dalalka kale ee dunida oo doonaya in ay ka qeybgalaan caleema saarka madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaraya magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa ka jira saxmad xooggan oo ku aadan soo dhaweynta Wufuuda sida isdaba joogga ah u soo gaaraya Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweynayaya Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu hor kacayo wasiirka amniga XFS,

Wadiga maanta ka soo dagay  garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde  waxaa kamid ahaa Xildhibaan Yuusuf Xasan oo katirsan Baarlamaanka Kenya, Madaxweyne ku xigeenka Koonfurta Sudan Riek Machar iyo Xubno kale