Kulan looga hadlayay amniga caasimadda ee maalinta caleema saarka madaxweynaha oo lagu qabtay Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaar-garowga sugida Caasimada Maalinta Caleema Saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaarada Amniga DFS, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabadsugida, dhamaan Saraakiisha Saldhigyada iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa la iskula dar-daarmay in ahmiyad guud la siiyo maalinta 9-ka june 2022 oo ku beegan Khamiis, maalintaasi oo ay dhici doonto Caleema Saarka Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale Bulshada Caasimadda ayaa laga codsaday in ay dulqaad iyo adkeesi  muujiyaan labada maalin ee foodda nagu soo heyso, taasi oo Caasimadda ay ka dhici doonto xaflad aad muhiim ugu ah Dowladnimada, isla markaana ay kasoo qeybgeli doonaan wufuud heer caalami oo Madaxweyneyaal leh. Isla markaana ay dhici karto culeesyo dhanka Amni in laga dareemo Caasimadda.