Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Wasaaradda Gaashaandhigga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saakay kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Ujeedka kormeerka ayaa ah u kuurgelidda hannaanka shaqo ee Wasaaradda iyo Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa kulamo la leh haatan, taliyeyaasha iyo saraakiisha hoggaannada Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.