Maxkamadda derejada koobaad ee koofur Galbeed oo dil ku fulisay nin gacan ku dhiigle ahaa

Gacan ku dhiigle Maxamed Xasan Maxamed “Goomey”oo horay u dilay marxuumad Aamina Maxamuud Malaaq ayaa saakay lagu toogtay magaalada Baydhabo.

Marxuumad Aamina ayaa lacag ku lahayd Gacan ku dhiiglaha maanta la qisaasay, isagoo ku ballamiyay gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Buulo Jameeco ee magaalada Baydhabo,sida u usheegay Booliska maamulka koofur-galbeed.

Marxuumad Aamina Maxamuud Malaaq ayaa Axaddii todobaadkan meydkeeda laga helay Boostaneer ku yaalla guriga gacan ku dhiigle Maxamed Goomeey,iyadoo baaris ka dib ku caddaaday dilka AUN Aamina Maxamuud.