Muwaaddin Soomaaliyed oo lagu dilay Koofur Afrika

Magaalada Cape Town ee dalka koofur Afrika ayaa xalay lagu dilay Allaha u naxariistee Marxuum Cali Maxamed Xasan oo ku magac dheeraa (Balaakii), ka dib markii ay soo weerartay koox burcad ah.

Burcadda ayaa marxuumkaan si bareer ah u toogatay, isagoo ku dhex jiray Gaarigiisa uu Rootiga ku wareejin jiray, iyagoo intaa ka dibna goobta isaga baxsaday, mana jirin wax dhac ah oo ay u gaysteen.

Maalmo ka hor ayeey aheed markii Kooxo Hubeesan oo burcad Konfur africaan ah ay Isla Magaalada Cape Town Xafad katirsan ay ku dileen Labo Muwaadin oo Soomaliyed.