Galmudug oo hay’adaha samafalka ka cosatay inay wax u qabtaan barakacayaasha degmada Gelinsoor

Axmed Maxamed Shire (Qoodaar) guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Mudug ayaa hay’adaha samafalka iyo maamulka Galmudug ka codsaday in ay gargaar bini’aadannimo u fidiyaad dadka barakacaaysha ah ee ku nool duleedka Gelinsoor.

Guddoomiye Qoodaar oo hoggaaminayay wafdi ka socday dowlad goboleedka Galmudug iyo xubno ka tirsan hay’adda IRC ayaa kormeer ku sameeyay ceelasha biyaha, Isbitaalka iyo xerada barakacayaasha Gelinsoor, iyagoo ka waraysatay baahiyaha  xagga nolosha.

Xubno ka mid ah barakacayaasha Gelinsoor ayaa wafdiga u sheegay inaysan hay’adaha samafalku waxba u qaban marka laga reebo IRC oo muddo ka hor u samaysay biyo gelin, una qodday Suuliyaal.

Axmed Maxamed Shire (Qoodaar) guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Mudug ayaa ugu dambayn maamulka Galgaduud iyo hay’adaha samafalkuba ugu baaqay inay kormeer ku yimmaadaan Gelinsoor kana jawaabaan baahiyaha ay qabaan.