Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Magacaabay Gole Wasiiro Cusub

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa waxaa uu Magacaabay Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada oo banaanaa, kuwaas oo xubnihii awal hayay ay kamid noqdeen xildhibaannada Golaha Shacabka .

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu Magacaabay Wasiirada kala ah.

1: Dr Cali AlCabdi Macalin oo loo magacaabey Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Koonfur Galbeed.

2: Cabdullaahi Xaaji Xasan oo loo Magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed.

3: Maxamed Isaaq Cabdi oo loo Magacaabay Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed.

4: Xasan Cabdinuur Aadan oo loo Magacaabay Wasiirka Gaadiidka cir & Dhulka Koonfur Galbeed.

5: Sandheere Maxamed Iftin oo loo Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiiradan cusub ee la magacabay ayaa badalayo wasiiradii hore kuwaa oo xilkooda kuwaayay kamid noqoshada Baarlamaanka Soomaaliya.