R/Wasaare Rooble oo saaka booqday xeebta Liido

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno kale oo la socday ayaa saaka booqday deegaanka xeebta Liido oo ah goob ay u dalxiis tagaan dad badan oo Soomaali ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaas kula kulmay dadweyne fara badan oo ay ku jireen dhallinyaro isxilqaantay oo ka shaqeysa soo celinta bilicda iyo nadaafadda xeebta Liido.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ,waxa uu dhallinyarada isxilqaan iyo kuwa kale ku dhiirrigeliyay howsha wanaagsan ee ay u hayaan umadda,isagoo dalbaday in ay halkaasi ka sii wadaan shaqada wax ku oolka ah ee ka mid ah adeegyada loo qabanaayo bulshada.