Madaxweynaha Tunuusiya oo shaqada ka cayriyey 57 Garsoore

Madaxweynaha dalka Tunuusiya ayaa shaqada ka cayriyey 57 Garsoore isagoo ku eedeeyay musuqmaasuq iyo inay gabaad u ahaayeen kooxa argagixisada waa sida uu hadalka u dhigayee.

Madaxweynaha oo ka hadlayey intii lagu guda jiray shirkii Golaha Wasiirada Arbacadii ayaa wuxuu soo qaatay carqaladeynta baaritaanka kiisaska argagixisada,tuhmaneyaasha argagixisada iyo musuqmaasuqa maaliyadeed ee ay faraha kula jiraan bahda Garsoorku.

Wax yar ka dib hadalka madaxweynaha wareegto madaxweyne oo lagu daabacay faafinta rasmiga ah ayaa lagu shaaciyay in shaqada laga eryay 57 garsoore. Dadka shaqada laga eryay waxaa ka mid ah Youssef Bouzaker, oo ahaa madaxii hore ee golaha sare ee garsoorka,sidoo kale waxa ka mid ah Garsoore Bachir Akremi oo caan ka ah Garsoorka Tunuusiya.

Dalka Tunuusiya ayaa waxa hareeyey qalalaase siyaasadeed oo qoto dheer tan iyo July 25, 2021, markaas oo madaxweynuhu uu shaqada ka cayriyay Golihii Xukuummadda sidoo kalena shaqadii ka joojiyay baarlamaanka, oo uu la wareegay maamulka fulinta, tallaabadaas oo ay mucaaradku ku tilmaameen “afgambi”.