Soo dhoweynta booqashada Madaxweynaha JFS oo laga dareemaya Dhuusamareeb

Qabanqaabada soo dhaweynta Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku wajahan Galmudug ayaa laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb.

Amniga magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay, qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku jira diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee ay kusoo dhoweynayaan madaxweynaha JFS.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda gaaro magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna kulamo la yeelan doonaa madaxda Galmudug iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.