Xildhibaanadda Golaha Shacabka BFS oo maanta kulan Yeelanaya

Xildhibaanadda Golaha Shacabka BFS ayaa Maanta oo Arbaco ah waxa ay yeelanayaan  kulankoodii caadiga ahaa, kaas oo ka qabsoomaya Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha Kulanka Maanta ee Xildhibaannada ayaa waxaa uu yahay Akhrinta Xeer hoosaadka Golaha Shacabka, iyada oo Xildhibaannada xalay loo diray farriin ah inay kulanka soo xaadiraan.

 

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Dalka ayaan kulmin tan iyo markii ay qabsoontay doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya ee 15-kii Bishii May.