Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay Baydhabo

Madaxweyne JFS mudane,  Xasan Sheekh  Maxamuud oo safarkiisii ugu horreeyey ugu ambabaxay maanta Dowlad goboleedka Koonfur-galbeed.

Soo dhowaynta wafdiga madaxweynaha ayaa laga dareemayaa Magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku-meel gaar ah ee Caasimadda Maamulka Koonfur-galbeed.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa goordhoweyd ka ambabaxay magaalo madaxda dalka ee Muqdisho, iyadoo qorshuhu yahay inay saacadaha soo socda gaaraan Baydhabo.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku guda jiro safarkiisa waxa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda Maamulka Koonfur-galbeed iyo qaybaha kala duwan ee Bulshadda.