Ciidamada Ukraine oo ku dhow in ay ka baxaan magaalada Severodonetsk

Ciidamada Ukraine ayaa laga yaabaa inay ka baxaan magaalada Severodonetsk, ee dhacda bariga dalkaasi Ukraine, taasoo ciidamada Ruushka ay ku dhow yihiin in ay hareereyaan, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Ciidamada Ruushka.

Ruushka ayaa qabsashada gobolka Donbas oo dhan ka dhigay ujeedo dagaal oo muhiim ah.

Jimcihii shalay Ra’iisul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa sheegay in Ukraine ay u baahan tahay hababka Gantaallada riddada dheer.

Sidoo kale sacadahii la soo dhaafay, ciidamo taageersan Ruushka ayaa qabsaday magaalada Lyman oo ku taal galbeedka magaalada Severodonetska.