Galmudug: Imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare oo si rasmi ah uga furmay

Ardayda Galmudug ayaa maanta u fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee Dugsiga dhexe sanad dugsiyeedka 2021-2022, oo ay qaadeyso wasaaradda waxbarashada.

Madaxda wasaaradda waxbarashada Galmudug ayaa magaalada Dhuusa-mareeb ka daah-furay imtixaanka, waxaana u fariistay arday dhan 3,382.

Dhammaan mas’uuliyiinta madasha furitaanka imtixaanka ka hadlay ayaa ujeediyay ardayda in ay si niyadsami ah ku galaan imtixaanka iskana ilaaliyaan wax kasta oo carqalad ku ah habsami u socodka imtixaanka.