Guddiga gurmadka abaaraha oo warbixin la wadaagay Ergeyga gaarka ah ee arrimaha bini-aadannimada

Guddiga gurmadka abaaraha ayaa maanta warbixinno kale la wadaagay Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabbilsan arrimaha bani-aadannimada iyo gurmadka abaaraha mudane; Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Ergeyga iyo guddiga ayaa horay u yeeshay kulamo looga hadlayo qaabka ugu habboon ee loo wajihi karo xaaladd,a isagoo ka dhagaystay xog ku saabsan abaarta ka jirta dalka iyo goobaha ugu daran.