Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo Imaaraaadka deeq lacageed oo ay abaarta Soomaaliya ugu tala gashay ka gudoomay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa goobjoog ka ahaa munaasabad ay dowladda Imaaraadka Carabtu ay dowladda Soomaaliya ugu wareejinaysay lacag gaaraysa 9.6 Milyan oo Dollar, ayaa uga mahadceliyey kaalintooda ku aadan gurmadka shacabka Soomaaliyeed.