Ciidamada Xoogga oo howlgallo lagu baacsanaayo argagixisada Al-Shabaab ka sameeyay Gobolka Sh/Hoose

Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ayaa howlgallo ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab waxaa ay ka sameyeen tuulooyin hoos taga Gobolka Shabeellaha Hoose, gaara ahaan Degaanno hoos taga Awdheegle iyo Bariire.

Saraakiisha howmo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab isaga kala gudbi jireen tuulooyinka Bariire hoostaga sidoo kalana ay ku kala gudbisan jireen lacagaha iyo hantida ay shacabka ka qaadaan.

Taliyaha ururka 7-aad, guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Maxamed Sheekh, oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalkooda illaa iyo inta ay degaanadaas ka saarayaan haraadiga maleeshiyaadka nabad diidka ee Al-Shabaab.

Ciidanka Kumaandooska Gorgor ayaa ku sugan meelo badan oo ka mid ah dalka, waxaana ay si weyn uga qeyb qaataan dagaalka ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab.