Guddoomiyaha golaha shacabka oo qaabbilay masuuliyiin ka tirsan Hay’adda naafada Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta hoygiisa Muqdisho ku qaabilay masuuliyiin ka socota Hay’adda Naafada Qaranka oo uu hoggaminayo Guddoomiyaha mudane Maxamed Cabdullahi Jaamac.

Madaxda Hay’adda Naafadda Qaranka ayay Guddoomiyaha u soo jeediyeen in fursado badan oo lagu horumarin karo la siiyo si ay u helaan xuquuq dhameystiran.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in uu garab taagnaan doono dadka aan lixaadkooda dhameystirneyn is la markaana Baarlamaanka uu noqon doono mid xuquuqdooda looga doodo dadaal dheerna  lagu bixin-doono garab istaaggaa naafada qaranka.