Wasiirka gargaarka oo kormeertay dhismaha qeybo cusub oo lagu soo kordhinayo wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka XFJS marwo,  Khadiija Maxamed Diiriye oo ay wehlinayaan Agaasimaha Guud, Axmed Abuukar Axmed, Agaasimaha Gargaarka iyo lataliyaha Xiriirrada Guud ee Wasaaradda Gargaarka ayaa maanta Kormeeray dhismaha cusub ee Xarunta Qaran ee Gurmadka Deg Dega ee wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka oo markii ugu horreysay dalka laga hirgelinayo.

Xarumaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XJFS iyo Xarunta Qaran ee Gurmadka Deg dega ayaa si dar-dar ah u socda dhismahooda.

Wasiiradda ayaa sheegtay in dhismaha Xarunta Qaran ee Gurmadka Deg-degga ee Wasaaradda Gargaarka iyo MM lasoo gabogabeyn doono dhamaadka sanadkan wixii xilligaas ka dambeeyan shacabka loogu adeegi doono.