Wasiirka difaaca Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Tanzaaniya

Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga XFS , Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Daarusalaam ee caasimadda dalka Tanzaniya wasiirka Difaaca iyo adeegga Qaranka Dalkaasi marwo, Stergomena Lawrence Tax.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Tanzaniya, gaar ahaan arrimaha amniga gobolka iyo iskaashiga labada Wasaaradood ee difaaca.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya , Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu mahad celiyay dowladda Tanzaniya soo dhoweynta diirran ee ay isaga iyo wafdigiisu u sameeyeen.