Duqa Muqdisho oo u ambabaxay dalka Turkiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa  Maanta Safar shaqo oo maalma kooban qaadan doona uga ambabaxay Magaalada Konyo ee Dalka Turkiga.

Duqa ayaa halkaas uga qeyb gali doona shir muhiim ah oo ku saabsan horumarinta iskaashiga magaalooyinka Muqdisho iyo Konya.