Ra’iisul Wasaare Rooble oo shaqada ka joojiyay Wasiirka arrimaha dibedda

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta shaqo ka joojin ku sameeyey wasiirka arrimaha dibadda XFS Cabdisaciid Muuse Cali, kadib markii uu fasaxay Markab dhuxul ka qaaday Soomaaliya oo lagu xayiray dalka Cummaan.

Warqad ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu baabi’iyey go’aankii uu wasiirka Cabdisaciid Muuse ku fasaxay Markabkaas, maadaama uu khilaafsan yahay shuruucda qaranka iyo kuwa caalamka, khatarna uu ku yahay qaranka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Hantidhowraha qaranka iyo Hey’adaha amniga wuxuu faray inay baaritaan ku sameeyaan falkaan sidii uu u dhacay, kadibna ay u gudbiyaan hey’adaha garsoorka dalka.