Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo ka qeyb galay munaasabadda xil-wareejinta Madaxweynaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda xil-wareejinta madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, asaga oo xilka kala wareegay madaxweynihii tala ka degay ee JFS, mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Madaxtooyadda Qaranka ee Villa Somalia ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenadda Golaha Shacabka JFS kuwaas oo ayagana ka qeyb galay munaasabadda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa mar kale u hambalyeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaana uu Ebbe ugu baryay xilka maanta uu la wareegay in uu ku asturo.