Madaxweynaha Xafiiska Jooga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan is-xogwaraysi ah ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka.
Kulankan oo ah kii saddexaad ee ay Labada Madaxweyne ku yeeshaan Madaxtooyada Qaranka ayaa waxa ay si guud uga wada hadleen Qorshayaasha Qaran ee hortabinta leh.
Madaxweyneyaasha ayaa guddiga Qaban-qaabada Xafladda xil-wareejinta la eegay habka ay u qorsheeyeen in ay u dhacdo Xil wareejinta Madaxweynaha iyaga oo si wadajir ah u kormeeray qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Madaxtooyada Qaranka.
Labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah u go’aamiyay in xafladda xil wareejinta Madaxweynaha sagaalaad Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Tobanaad ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud la qabto maalinka Isniinta ee Toddobaadkan oo ku began 23ka bishan May ee 2022ka.