Guddoomiyaha gobolka mudug mudane Axmed Bukhaari ayaa kulan ku saabsan sugidda amniga gobolka Mudug waxaa uu la qaatay Saraakiisha ciidanka ammaanka.
Kulankaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay taliska qeybta booliska gobolka, kan degmada, gudoomiye ku xigeenka degmada iyo saraakiisha ciidamada xasilinta gobolka mudug, kuwaas oo door muhiima ka qaata sugista amniga gobolka Mudug.
Gudoomiyaha gobolka ayaa ka codsaday saraakiisha ciidanka in gacanta lagu soo dhigo kooxo hubeysan oo shalay labo ruux ku dilay duleedka magaalada Gaalkacyo.