Wasiirka Ganacsiga XFS oo Saxiixay Xeer Nidaamiyaha Labaad ee Sharciga Shirkadaha

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar oo ay welinayaan Agaasimaha guud Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, agaasime waaxeedyada iyo la-taliyeyaasha Wasaaradda, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Xeer Nidaamiyaha labaad ee lagu dhaqan-gelinayo sharciga shirkadaha Soomaaliya(Sharci Lambar 18 oo soo baxay 2019).

Xeer nidaamiyahan labaad oo Wasaaraddu ka soo shaqeynaysay muddooyinkii u dambeeyey isla-mar-ahaantaana soo maray marxalado kala duwan, ayaa lagu saleeyey siddii uu u dabooli lahaa baahiyaha dhinaca fududeynta diiwaan-gelinta iyo habraaca la xidhiidha wax-ka-beddelka shirkadaha iyo weliba dhammeystirka ama dhaqan-gelinta habka onlaynka ah ee lagu dalbado diiwaan-gelinta shirkadaha kuwaasi oo qeyb weyn ka qaadanaya horumarinta ganacsiga iyo dhiiri-gelinta maal-gashiga dalka.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar oo ka dib markii uu saxiixay faah-faahin ka bixiyey xeer nidaamiyahan labaad, ayaa tilmaamay in uu fursad u noqon doono ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Ajaaniibta ah isla-mar-ahaantaana uu u fududeyn doono hawlahooda ganacsi.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaraddu, ayaa shahaado sharafyo guddoonsiiyey qaar ka mid ah mas’uuliyiinta iyo hawl-wadeenada Wasaaradda oo qeyb-weyn ka qaatay diyaarintii iyo daah-furista lagu sameeyey Habka Onlaynka ah ee Diiwaan-gelinta iyo bixinta Laysamada Shirkadaha Ganacsiga Soomaaliya kaas oo noqday barnaamij guulaystay oo wax weyn ka taray fududeynta ganacsiga dalka, isla-mar-kaana uu qofka ganacsadaha ahi uu shirkaddiisa diiwaan-gashan karo isaga oo ku sugan xafiiskiisa shaqo ama gurigiisaba.