Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay kulan looga hadlayay dib u habeyn dhaqaalaha Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay kulan wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga adduunka ay ka yeesheen qorshaha dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka ka xariiqay sida ay uga go’an tahay in lasii wado dib u habeynta dhaqaalaha iyo qorshaha deyn cafinta.