James Swan” Waxyaabaha dowladda horyaalla waxaa ka mid ah dhameystirka hannaanka dastuurka”

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada midoobay u jooga Soomaaliya danjire, James Swan ayaa hambalyo uu u jeediyay madaxweynaha cusub ee dalka ka dib waxa uu tilmaamay inay horyaallaan arrimo badan oo ay tahay inuu wax ka qabto.

Danjire, Swan ayaa sidoo kale xusay in waxyaabaha muhiimka ah ee dowladda horyaalla ay ka mid yihiin dhameystirka hannaanka dib u eegista dastuurka, wax ka qabashada baahiyaha degdegga ah ee horumarinta, amniga iyo abaaraha.

Sidoo kale, dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in dowladda uu hormuudka ka yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud looga fadhiyo dib u habaynta dhaqaalaha si loo dhammaystiro howlaha deyn cafinta iyo fududeynta gargaar Bini’aadannimo oo la gaarsiiyo dadka ay haleeshay abaarta.