BELED WEYNE MAGAALO MAGAALO TAARIIKH LEH OO TIXGELIN U BAAHAN

Marka hore, waxaan Reer Beled weyne uga tacsiyeynayaa wixii ku dhacey habeenkii Arbacada ee taariikhdu aheyd 23/03/2022 iyo dhammaan dhacdooyinkii xanuunka lahaa ee ka horeeyey iyo kuwii ka danbeeyey, waxaana u rajeynayaa in Allah uu siiyo badal kheyr leh iyo nabad.

 

Dhacdooyinka amni darrada kaliya kuma koobna Beledweyne oo waxay ka dhacaan Caasimadda iyo qeybo badan oo dalka ah, waxaase Beledweyne u dheer markasta oo qarax ama fal amni darro ka dhaco, waxaa ku baxa dad bulshada qiimo weyn ugu fadhiyey, kaalinna uga jirey bulshada dhexdeeda.

 

Baladweyne waa magaalo taariikh weyn leh, ayna ka imaan jireen dad taariikhda Soomaaliya meelo kala duwan uga jirey, sida; halganadii xornimo doonka, Siyaasadda, waxbarashada, dhaqanka iyo dhaqaalaha.

 

Qoraalada laga sameeyey taariikhaha la xariira nolosha Soomaalida dhammaantood, waxaad ka heleysaa qaar badan oo ka hadlaya magaalada Beledweyne. Halganadii xornimo doonka dadka reer Beledweyne waxay ka ahaayeen xubin muuqata, sidoo kale waxay dadka reer Beledweyne diideen, kana hor yimaadeen gardaradii ay ciidamada Ethiopia kusoo galeen dalkeena sanadkii 2006.

 

Beledweyne, waxay aheyd magaalo ay ka imaan jireen dad ilbax ah, af-yaqaan ah, maskax iyo faham wanaagsan leh, aqoon badan, dabeecad wanaagsan, kala duwan, saaxiibtinimadu uga qiimo badan tahey qabiilka, xuquuqdooda yaqaana, iskaashada.

 

Aniga inta aan ka xasuusto dadka aan wax isla baran jirney, kaalimaha ugu horreeya waxay u badnaan jireen reer Hiiraan, reer Beledweyne, waxaana hoos isugu sheegi jirney in dadka ka yimaada gobolkaas ay jiraan wax ay uga duwan yihiin dadka kale dhinaca maskaxda.

 

Inta aan xasuusto dadka aan ka cilmi qaatey waxay u badnaayeen reer Hiiraan, reer Beledweyne. Marka xisaabta Calculus-ka ay iska hortimaado oo dhinac loo dhaqaajin waayo, waxaa hareeraha laga eegi jirey ardey reer Beledweyne ah ama reer Hiiraan ah.

 

Beledweyne, waa magaalo istaraatiiji ah, dhacdana bartamaha dhulka JFS, waa magaalo leh qurux dabiici ah, nasiibna u yeelatey in uu dhex maro wabiga Shabeele, waxaana u dheer buuro wajiga hore ka saaran.

 

Deegaan Alle isugu darey wax kasta oo deegaan qurxiya, sida; Buuro, dhul siman, wabi iyo dhir, lagu darey dad qurxoon waa nimco dhammeystiran iyo janno adduunyo.

 

Gudaha iyo hareeraha magaalada Beledweyne ayaa ah dhul beereed wax kasta lagu abuuri karo, isla markaana biyihii wabiga ayaa qarka ah.

 

Dad dagaalka ku fiican, nabad ku fiican, hiilka ku fiican, deeqsi ah ayey taariikhdu xuseysaa in ay yihiin reer Beledweyne, waxaana dhinacyadaas wax ka qorey dad Soomaali iyo ajaanib isugu jira.

 

Su’aalaha isweydiinta mudan waxaa ka mid ah; Aaway dadkii lahaa sifooyinka aan kor ku kusoo xusey ee taariikhda lagu xardhey? Aaway aqoontii iyo maskaxdii lagu yaqaaney reer Beledweyne, reer Hiiran? Beledweyne Maxaa cadowga loogu banneeyey oo baylaha looga dhigey?

 

Beledweyne, maanta waxay mareysaa taariikh xanuun leh iyo xaalado adag, waxaa la dilayaa waxgaradkoodii, waxaa la handadayaa ganacsigooda iyada oo ay baadayaan ururada nabad-diidka (Shabaab, Daacish), waxaa saameeyey abaaraha guud ee dalka ka dhacay, waxaa ka maqan adeegyada bulshada, marka roobabku bilaawdaan waxaa qaadaya daadad iyo fatahaado, waxaa ka maqan waxkasta oo ay mudneyd magaaladu.

 

Dad badan oo reer Beledweyne ah ayaan arkaa markasta iyaga oo ka shaqeynaya hormarka deegaano kale, xalinaya mushkiladaha deegaano kale, halka deegaankoodii ay ka jirto nolol hooseysa iyo nabad la’aan, dadkoodiina marna abaar iyo harraad la balanbalayaan, marna daadad iyo biyo qaadayaan, cadowna u dheer yahey oo haldoorkoodii jumlo jumlo loo leynayo.

 

Reer Beledweyne, haddii ay maskaxda ka shaqeeyaan oo aqoon yahanka iyo waxgaradkoodu u istaagaan, waxaan aaminsanahey in aysan u baahnaaneyn talo iyo tigaad bannaanka uga timaadda, maxaa yeeley waa dad iyo deegaan isku filan.

 

Xalka Beledweyne kuma jiro xoog iyo qori, maxaa yeeleey waa deegaan la wada degan yahey, ayna ku nool yihiin dad kala duwan. Waxa kaliya ee Reer Beledweyne mideyn kara, kagana adkaan karaan cadowga heysta waa dhab ka hadal iyo is faham bulsho, waa caqliga oo shaqeeya, kana gudbaan kala qeynsanaanta iyo xurgufta dhexdooda ah.

 

Cadowgaaga oo aad garan, dhibta ku heysata oo aadan garan, sababta oo aadan garan, sida ay howluhu u kala muhiimsan yihiin oo aadan garan, awooddaada oo aadan garan, fursadahaaga oo aadan garan, waxay kaa leexineysaa oo kaa lumineysaa xalka, waxaadna baylaha u noqoneysaa nacabkaaga.

 

Hubaal waxaa ah in deegaano badan oo Soomaaliyeed ay dhibaato la mid ah midda Beledweyne heysto, waxaase kala duwan sababaha keenaya dhibaatada iyo fursadaha la heysto ee xalka laga abuuri karo.

 

Sida uu Allah Kitaabkiisa ku caddeeyey, Ummad xaaladeeda ma badalo ilaa ay iyagu isbadalaan oo sida qaldan ee ay ku nool yihiin wax ka badalaan. Ummado badan oo dunida ah oo burbur iyo dhibaatooyin ay hore qabsadeen ayaa ka gudbey oo maanta adduunka hoggaaminaya, dhinaca dhaqaalaha iyo awooddaba, waxayna kaga gudbeen midnimo, iskaashi, is ogolaan, dulqaad iyo xaaladdii ay ku jireen oo ay iska badaleen.

 

Reer Beledweyne, waxaan kula talin lahaa in ay u midoobaan danta dadkooda iyo deegaankooda, iskana dhaafaan kala qeybsanaanta dhexdooda ah, isla markaana iska celiyaan cadowga dhiigooda cabaya, iskana diidaan danaha bannaanka uga imaanaya ee kala qeybinaya.

 

Siyaasiyiinta reer Beledweyne waxaa saaran masuuliyad gaar ah, waxaana looga baahan yahey in ay danta Beledweyne iyo guud ahaan Hiiraan ka midoobaan, si dhab ahna uga shaqeeyaan sidii loo badbaadin lahaa Beledweyne iyo guud ahaan Gobolka Hiiraan.

 

 

“Beledweyn Allahayoow Balaayada hareer mari”

 

W/Q Dr. Maxamed Aadam Koofi