Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta salaan iyo hambalyo ugu tagay madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ay doorteen Baarlamaanka labada Aqal.

Gudoomiyaha iyo madaxweynaha ayaa ahaa kulankooda is xog-wareysi iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa geedi socodka nabada iyo xasilooni siyaaseed oo wadajir ah.