Wareegii labaad ee doorashada oo soo gabagaboobay.

Waxaa soo gabagaboobay wareegii Labaad ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku tartamayeen afar Musharax kuwaa oo ka soo gudbay wareegii koobaad oo ay wada tartamayeen 36 Musharax oo taagnaa xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Sida Guddoomiyaha Baarlamaanku sheegay Musharaxiinta tartamaya ayaa kala helay codadka kala ah:-

Xasan Sheekh Maxamuud 110

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 83

Saciid Cabdullaahi Dani 68

Xasan Cali Kheyre 63

Guddoomiyaha ayaa dhanka kale sheegay in sida Dastuurku farayo ay Wareegga saddexaad ee kama danbeysta ah u gudbayaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo